Dowlednimada Yaan Lagu Ciyaarin.

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Dowlednimadu waxaa lagu mithaalaa Ciyaartaa Qori isu dhiib oo kale waxaana tusaale kuugu filan Maanta waxaa jooga Madaxweyne la doortay, Shalay waxaa joogey Madaxweyne kale berinna hadii Alle idmo waxaa imanaya Madaxweyne hor leh. Waxaan arkay wareegto uu soo saaray Duqa Magaalada Muqdisho taasoo lagu sheegay in aaney waxba ka jirin Heshiisyadii ay dowladihii hore la galeen qaar ka mid ah Ganacsatada Muqdisho oo lagu deegaameeyey Jardiinooyinka Magaalada Muqdisho oo xiligaas aad u dayacnaa.

Sharci yaqaanno aan la hadlay ayaa ii sheegay  iney tani ka dhigan tahay  Dowladnimada  oo lagu ciyaaray sababtoo ah waxay sheegeen in dowlednimada tahay mid la iska dhaxlo oo mid waliba ay  shaqada ka sii wado halka ay ugu timaado.

Markii hadalkani ka soo yeeray Duqa Muqdisho ayaa dad badani isweydiiyeen waxa ay ku kala duwan yihiin Awaamiirtii Madaxdii Gobolka Banaadir soo martay sida Xasan Abshir Faarax iyo Cali Ugaas Cabdulle oo soo shaqeeyey Xiligii kacaanka iyo Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo soo shaqeeyey burburkii ka dib?.

Marka dowlednimada laga haadlayo xaqiiqdii waxba kuma kala duwana oo dhamaantood saxiixoodu waa xalaal, laakiin haddii hadalka si kale loo dhigo waa ay kala duwan yihiin. Waxaa wanaagsan si dowlednimadu u sii socoto in la is ixtiraamo maadama nin walba ay waajib ku tahay inuu ka sii wado halka uu ugu yimid.

Madaxda Qaranku waxay ku joogaan sharci hadii ay diidaan Sharcinimada Madaxdii ka horeysey macnaheedu waxay weeye iyana sharci ma ahan, marka Caqliga, Sharciga iyo Diintuba ma taageerayaan mana soo dhoweynayaan in laga horyimaado wixii iyaga ka horeeyey oo ay sameeyeen dowladidii ay talada ka dhaxleen.

Duqa Magaalada Muqdisho hadalkiisa waxaa ka mid ahaa sifo sharci looma maarin bixinta ama kireynta Jardiinooyinka Magaalada waxa uuna u sababeeyey NAADO ama Bandhig lama sameyn, waxaana laga dhadhansan karaa in uu ula jeedo dad gaar ah ayaa lagu naas nuujiyey.

Hadaan u nimaadno tii dowladii kacaanka waxaa la sameyn jirey NAADO marka la xaraashayo Hantida dowladda amaba la kireynayo laakiin taas bedelkeeda cida laga xaraashayo waxay aheyd cid la yaqaano oo muuqata, marka si walba oo ay ahaataba hala naadiyo ama yaan la naadin waxay aheyd isma dhaanto.

Cabdinaasir Xersi Iidle.

Tel.00-252-615503978

Mail. naasirx1@gmail.com.

Tagged