Wararkii ugu dambeeyey ee Duqeyntii Caad

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradaha dagaalka deegaano ku hareeraysan Caad degmada Xarardheere gobolka Mudug.

Howlgalka Maraykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegtay in diyaaradaha Maraykanku fuliyeen duqeyntaas. Waxayna intaa ku dareen in ay ku dileen 37 ka mid ah ciidanka Alshabaab.

Warbixinta ayaa intaa ku daraysa in laba duqeymood diyaaraduhu halkaa ka geysteen halkaas, duqeynta 1aad ayaa lagu dilay 27, halka duqeynta 2aad lagu dilay 10 kale.

Sidoo kale duqeyn kale ayaa galabta lala beegsaday 3 bartilmaameed hareeraha deegaanka Caad, bartilmaameedyada la beegsaday ayaa waxaa ka mid gaari Toyota Hilux oo marayey inta u dhaxeysa Caad iyo Ceel Cabdi.

Dhanka kale Alshabaab ayaa hawada ka saaray isgaarsiinta Caad. Waa Duqeyntii ugu waqtiga dheereyd ee Alshabaab lagula beegsaday deegaanada Galmudug.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com