Shuruud Adag oo la hordhigay Wasiirada isku sharaxay Gudoomiyaha Barlamaanka

Wararka Maanta

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Aadan Shaacir oo ka mid ah Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in warqada musharaxa aan laga aqbali doonin qof xil ka haya Golaha Wasiirada, hadii uusan iska soo casilin xilkaas.

“Xubnaha Golaha Wasiirada ee isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaha Golah Shacabka, waa inuu iska soo casilaa xilka Wasiirka uu haayo, hadii kale lagama qabanayo araajida, waa inuu istiqaalad u gudbiyaa Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana nuqul ka mid ah uu u keenaa Guddiga, hadhow hadii uu waayo Ra’iisul Wasaaraha haka noqdo hadduu rabo”ayuu yiri C/llaahi Shaacir.

Waxaa uu sheegay in xubnaha Guddiga doorashada ay isku qeybiyeen dhowr guddi, sida Guddiga Maaliyadda, Amniga iyo Guddiga hab maamuuska, isla markaana ay maanta soo saari doonaan jadwalka doorashada iyo shuruudaha Musharaxiinta.

Guddiga Doorashada oo ka kooban 15 xubnood ayaa shalay la magacaabay, waxaana ay doorteen Guddoomiye oo loo doortay Xildhibaan Nuur Iidow Beyle.

Dhowr Musharax oo xilal ka haya Golaha Wasiirada ayaa isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuwaasoo hami uga jira xilkaas, waxaase calaamad su’aal la gelinayay Musharaxnimdooda iyo xilka ay Xukuumadda ka hayaan oo aanay iska casilin.