Maxaa looga hadlay kulankii Guuleed iyo Gaas? (Warbixin+Sawirro)

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maanta ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Galkacyo shir ay isugu yimaadeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Madasha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay Mr. Keating, iyo siyaasiyiin kale.

Labada madaxweyne ayaa khudbado ka jeediyey goobta, waxaana la isku raacay qodobadan:

  • Xabad joojin rasmi ah
  • In labada madaxweyne magacaabaan guddi xabad joojin oo ka kooban 14 xubnood (min 7 xubnood labada maamul).
  • In 20 bishan Kismaayo la iskugu tago si arinta loo soo afjaro.

dscn7916 dscn7908 dscn7904 dscn7894 dscn7884 dscn7876 dscn7860 dscn7853 dscn7829 dscn7824 dscn7818

Comments are closed.