Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Dalka Afgaanistaan.

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Sida ay tabinayaa wakaalada wararka saaka ayaa waxaa Xaafada Dasht Barchi Magaalada Kaabul caasimadda dalka Afgaanistaan ka dhacay qarax ismiidaamin ah, Qaraxaan ayaa ka dhacay xarun diiwaangalin codbixin.

Saraakiisha Booliska Afgaanistaan ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 4 qofood ku dhinteen, halka 15 kale ku dhaawacmeen, Waxaa suurtagal ah in khasaaruhu intaas ka bato, madaama Qaraxu goordhow dhacay.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka Afgaanistaan ka bilowday diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashada Barlamaanka oo la qorsheeyey in ay dhacdo bisha October 2018.

Waa weerarkii saddexaad ee lagu qaado xarumaha diiwaangalinta codbixiyayaasha, Madaxweynaha Afgaanistaan Mohammad Ashraf Ghani ayaa ururka Taalibaan ugu baaqay in ay ka qeybgalaan doorashada Barlamaanka, inkastoo Taalibaan iska diiday arinkaas.