Shirka Amniga Dalka Oo Maanta Ka Furmaya Garoowe

Wararka Maanta

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland in uu ka furmo shir looga hadlayo amniga guud ee dalka, waxaana ka qeybgalaya wasaaradaha amniga ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkaan ayaa ah mid diiradda lagu saari doono xaaladda guud ee dalka, wada shaqeynta wasaaradahan iyo arrimo kale oo muhiim ah. Waxaa la filayaa iney ka qeybgalaan wasiirada wasaaradahan iyo mas’uuliyiin kale oo dhanka amniga ah, iyadoo gabagabada shirkanna laga soo saari doono war-murtiyeed.

Shalay ayaa magaalada Garoowe waxaa gaaray wufuud ka kala socotay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo kooxaha Alshabaab iyo Daacish ay wali maamulaan qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Maamulka Puntland ee shirkan martigalinaya ayaa wajahaya khatarka Daacish iyo Alshabaab, waxaana kooxahaan fariisamo ku leeyihiin buuraha Galgala, iyagoo weeraro ka fuliya Magaalooyinka waaweyn ee Puntland.