Musharixiinta Gudoomiyaha Barlamaanka oo maanta Khudbado Jeedinaya

Wararka Maanta

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhageysan doona khudbadaha Musharaxiinta u tartamaya Xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Musharaxiinta buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ayaa waxa ay gaarayaan 11 Musharax, waxaana maanta ay dhamaantood hortagayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha ayaa Xildhibaanada iyo Musharaxiinta ka codsaday in ay waqtiga ilaaliyaan oo ay ku soo xaadiraan waqtiga loogu tala galay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa sheegay in ay maanta si rasmi ah u bilaabaneyso khudbad jeedinta Musharaxiinta, musharaxiintuna ay u kala hadlayaan sida ay u kala horeeyeen.

Gelinka dambe ee ilaa berri ayay ku ektahay hadal jeedinta Musharaxinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha, waxaana lagu wadaa in 30-ka bishan oo ku beean Isniinta soo socota ay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha.