Mareykanka oo dib u bilaabaya taageerada Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka Maanta

War ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa looga hadlay taageeradii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,taasi oo la hakiyay bishii December 2017.

Dib u bilaabidda taageeradii Dowladda Mareykanku ay siin jirtay qeybo kamid ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay muujinaysaa sida ay mira dhal u noqotay dib u habeyntii ciidamada lagu sameeyay iyo diiwaan gelintii lagu xaqiijiyay tirada iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Washington ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya dadaalkii ay ku bixisay dib u habeyntii ay ku sameysay ciidamada,kadib markii dowladda Soomaaliya ay sameysay diwaangelin ku aadn xaqiijinta ciidankaasi tirakoobkooda.

Sidoo kale Mareykanbka ayaa muujiyay sida loogu guuleystay Isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka maaliyadda ee dalka,taasi oo abuurtay in lagu kalsoonaan karo nidaamka ay dowladda Soomaaliya u dejisay sida loo maamulo dhaqaalaha ciidamada.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,waxaana kaalintan Mareykanku uu qaadanayo ay dhiirogelinaysaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo dib u dhiska ciidanka.

Isha: Sonna