MD Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Ciidanka ku jira xerada Gen. Gordan

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay gelinkii dambe kulan gaar ah la qaatay Ciidanka ku jira xerada Gen. Gordan ee ku taalla degmada Hodan, kuwaasi oo uu tababaray Imaaraadka Carabta.

Ciidankan oo gaarayay 270 Askari oo 60 ka mid ah ay ahaayeen kuwa Kummaanooska lugta ah ee Imaaraadka uu tababaray ayaa gaadiidka waa weyn looga daabulay xerada, waxaana iyada oo la galbinayo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya loogu geeyay Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka dhinacyadan dhexmaray oo qaatay wax ka badan Saddex Saacadood ayaa waxa uu quseeyay xiisadii maalmahan ka taagneyd xerada Gen. Gordan, gaar ahaan is rasaaaseyntii dhacday maalin kahor ee u dhaxeysay Ciidanka Imaaraadka uu tababaray iyo kuwa xoogga dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marka hore Ciidanka u sheegay inaanay jirin wax colaad oo dhexdooda ah, loona baahneyn in dib loogu laabto wixii dhacay, horeyna looga sii socdo.

“Marka hore waad mahadsan tihiin dhammaantiina, waxaan idinkaga mahadcelinayaa inaad ajiibtaan wicitaankeyga, wixii dhacay wayba dhaceen, mana ahan wax ku cusub Ciidanka, waxaan idin sheegaa in aysan jirin cid wax loo heyso, khasaare waxaa innagu filan intii ku dhimatay iska hor imaadka, mana dooneyno in sidaas oo kale ay dhacdo, waxaad sameyseen wixii ciidan looga baahnaa oo ah inaad is difaacdaan.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ciidankan u sheegay in ay gaarsiiyaan Ciidamada kale ee maqan, in shaqadooda ay dib ugu soo laabtaan, ayna muhiim tahay xerada jawigeedana in sideeda hore lagu soo celiyo.

“Anniga ayaa maanta ugu sareeya Soomaaliya, waxaan kaloo ahay Taliyaha ugu sareeya Ciidamada waxaan idin balan qaadayaa inaad bil walba heli doontaan xuquuqdiina, Ciidamada maqan gaarsiiya fariinteyda dib ha ugu soo laabtaan xerada, arrintan saraakiishiina ayaan kala hadli doonaan oo aan kula xisaabtami doonaa.” Ayuu mar kale yiri Farmaajo.

Xerada Gen. Gordan oo ammaankkeda guud ay la wareegeen Ciidanka DANAB ee ka tirsan Kummaandooska Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay aanay jirin cid gudaha u galeysay ama ka baxeysay, balse hada dib ayaa looga qaaday xayiraada, waxaana soo laabanaya Ciidamadii ku kala firxaday iska hor imaadkii dhacay.