Shil gaari oo ka dhacay duleedka Burco

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Burco ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Gaari oo geystay Khasaare badan sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Somaliland.

Shilkaan ayaa waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Beer oo dhacda duleedka degmada Burco.

shilkaasi ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari booyad ah iyo gaari nooca rakaabka qaada  ee Baska oo xiligaasi siday dad rakaab ahaa.

Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Burco Cabdi Suudi ayaa warbaahinta u sheegay in shilka ay ku dhinteen 8 qof sidoo kalena ay labo qof ay ku dhaawacmeen.