Gudiga Doorashada Gudoonka Barlamaanka Puntland oo la magacaabay

Wararka Maanta

Gudoomiyaha KMG ee Golaha Wakiillada Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa magacabay Gudiga ka shaqeyn laha Doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland.

Sidoo kale waxuu Goluhu ansixiyey Habraaca ay ku shaqeyn lahaayeen Gudiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo loo qorsheyey in ay dhacdo 4/1/2019 oo ku beegan maalinka Jimcaha.