Imaaraatka oo bilaabay inay ka baxaan Soomaaliya

Wararka Maanta

Dowladda imaaraatka carabta ayaa bilowday in ay saraakiisheeda ciidan kala baxdo Soomaaliya, kadib markii dhawaan dowladda federaalka shaacisay in la wareegtay xuquuqda iyo tababarada ciidamo ay imaaraatku ku tababarayeen Magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso.

Diyaarad gaar ah ayaa maanta garoonka Muqdisho ka qaaday 23 Sarkaal oo ahaa tababarayaal ciidan, waxaana diyaaradii siday ka dagtay garoonka diyaaradaha Boosaaso, halkaas oo ay ka raacayeen saraakiil kale oo tababarayey ciidanka PMF (Puntland Maritime Forces). Diyaarada ayaa saacado ku xanibneyd garoonka Boosaaso kadib markii ay saraakiisha garoonku amreen in la baaro boorsooyin ay wateen saraakiisha imaaraatka. waxaana ugu dambeyntii saraakiisha imaaraatku ogolaadeen in la baaro boorsooyinkii ay wateen, iyadoo laga reebay hub ay rabeen in ay la dhoofaan.

Qorshahaan ayaa muujinaya inuu xumaaday xiriirka u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Imaaraatka, Wali waxaan la ogeyn sida imaaraatku ka yeelo doono dekedda iyo saldhiga Berbera.