Baydhabo oo ah xarunta Gobalka Baay iyo xarunta kumeel gaarka ah mamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, waa magaalo isbeddel samaysey dhanka dhismayaasha, ganacsiga iyo xagga amniga.
Baydhabo waxay ka kooban tahay sida caadiga ah Afar xaafadood oo kala ah Howlwadaag, Bardaale, Horseed iyo Isha, xaafahadaas ayaa waxaa kasii farcamay afar kale oo xaafadood waana sababta keentey iney sii balaarato Baydhabo.
Baydhabo Janaay- waxaa kaloo ku yaala beero wax soo saar leh kuwaasoo khudaarka kasoo go’daa loo iib keeno suuqyada Koonfur Galbeed, in kastoo aanan weli booqan goobaha waxbarashada haddana waxaan arkey dhismayaal waxbarasho iyo goobo kale oo horumarka magalada ka qayb qaadanaya.
Baydhabo sannooyinkii dambe waxay samaysey horumar muuqda, dadka ku noolna waxay u diyaarsan yihiin wax soo saarkooda iney u iib geeyaan suuqyada kala ee dalka.
#Dalnuurshe #Cali_Ducale.
Comments are closed.