sheekadii HEYBE IYO JACEYLKIISI HUNGOOBEY – (Qaybta koowaad).
Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.
Cutubka 1-aad:- SAFARKII SILOONAA.
Qeybta Koowaad.
Kolkii uu qarxay dagaalkii lagu dilin-dileeyay dowladii kacaanka aheyd, qaxayaasha tiro ahaan aan la qiyaasi karin ee dalkii ka cararay waxaa ka mid ahaa Heybe Xaaji dhengad, wuxuuna isagu kolkii ay xabadu dhex xawaareysay xaruntii dalka ee Muqdisho baarka ka jaray gugii 23aad, isagoo (Heybe) ka mid noqday dadkii ugu horeeyay ee ka baqoolay magaaladii bari-samaadkii ugu bilicda sameyd bariga Afrika ee Muqdisho.
Safarka aan lagu talo gelin ee dantu keentay, aan iraahdo QAX waxaa ku wehliyay Heybe labo ka mid ah dhalinyaradii ay isku hoyga ku noolaayeen, Hire iyo Siciid waxaana Adeer iyo Eedo sida ay u kala horeeyaan u ahaa Xaaji Dhengad iyo Afadiisa Libin, aabaha iyo hooyada Heybe, isaga ayay-na isla soo qaateen koritaankii caruur-nimo.
Dhalintaasi waxay xabad ka cararkii ku gaareen magaalo xeebeedka koofureed ee Kismaayo, halkaas oo ay soo beegsadeen dad aan yareyn oo sidooda oo kale ka soo baxsaday balaayadii soo balaysay bartii ugu bulshada bad-neyd magaalooyinka dalka ee Xamar, waxaana iyaga u bilatay nolol ay moogaayeen, waayo, waa markii ugu horeysay ee ay baalka dhigaan baradooda meel aan ahayn.
Heybe si gaar ah ayay ugu adkaatay in uu la qabsado xaalada qalafsan ee qaxa, sidoo kalena waxuu tahli waayay inuu qarsado sida uu uga xun yahay ku noolaan-shaha Kismaayada uu qaxootiga ku yahay, isla markaana uurka ayuu ka hiifayay ibtilada sababta u ah waxa ka aloosan caasimadii, wuxuuna dhowr jeer u hinqaday dib ugu laabashada hoygooda, laakiin waxaa rabitaankiisa ku hor gudbanaa amar adag oo uu ku soo lamaanshay aabihii, kaasoo ay u muuqatay in dhibaatadu sii daba dheeraan doonto, dantuna ku jirto naf la carar iyo i bixiyow i bixi.
Iyadoo xaalku sidaa yahay, intaana ay soo kordhayaan dadka ka baxsanaya baaruuda ka bagagac leh Muqdisho, ee qaxootinimada ku imanaya Kismaayo ayaa waxaa qaxayaashi ku soo siyaaday Hooyo Libin iyo intii kale ee reerku ka koobnaa marka laga reebo Xaaji dhengad oo ku adkeysatay in uu aqalka ilaalo ka ahaanayo.
Heybe wuxuu la diifeysnaa ku noolaashaha Kismaayo, waxase uga sii darnaaday fariin ay daboolka uga qaaday Hooyo Libin, taasoo ahayd in loo darbado oo loo diyaar-garoobo safar aan sahlanayn oo lagu beegsanayo dalka nala deriska ah ee Kenya, isagu ma jecleysan arrinka la soo jeediyay, waxaase dhegihiisa laga dherjiyay codka Aabihiis oo ku duubnaa cajal ay maamadu siday, Xaajiguna wuxuu si gun iyo baar ah ugu tirtirsiiyay inankiisa in arrintu lama huraan tahay, dantuna ku jirto, isagoo ula hadlay si uu dareemi karo, waa dad is dhaloo is yaqaan, codkii Xaaji Dhengad wuu saameeyay Heybe, wuxuuna u muuqday mid qaatay oo ku qancay qaraarkii Aabihiis soo jeedshay, intaa waxii ka dambeeyay waxaa la oogay tabaabushe safar, iyo in loo hayaamo meel aan hore hiyiga loogu heyn.
Reer Xaaji Dhengad waxay Kenya ku gaareen safar dhanka badda ah, dad badan ayayna ka hoodo wacnaayeen, kuwaasoo safar dhib badan oo dhanka dhulka ah ku galay dalka ood wadaagta nala ah ee Kenya oo horaantii sagaashanaadkii ahaa mid ay ku soo hirtaan habqankii ka baxsanaayay shidadii ka hulaaqeysay dalka oo gaartay heerkii ugu xumaa marka laga hadlayo nolosha aadmiga.
La soco qeyb-ta 2-aad Jimce
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.