Meydadka Somaalidii ku geeriyootay Doontii lagu duqeeyay xeebaha dalka Yaman ayaa ugu dambeen mudo laba bilood kadib la aasay,waxsana ka qeyb galay aaskooda Soomaali farabadan oo aad uga xumaa dhibaatadii ku dhacday dadkaasi.
Qunsuliyadda Soomaaliya magaalada Cadan ee dalka Yaman ayaa xaqiijisay in la aasay Meydadka 31 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo 17 Maarso 2017 lagu duqeeyay Doon ay la socdeen.
Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Cadan Mudane Axmed Cabdi Xasan Suudaani ayaa sheegay in waqti badan ay geliyeen sidii loo aasi lahaa Meydadkaas islamarkaana ay ugu dambeen u suurto gashay in la aaso.
Ugu dambeen waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in sidoo kale ay ku guuleesteen in lasiidaayo in ka badan 115 Somaali ah oo isugu jira Haween iyo Caruur kuwaas oo ahaa dadkii ka badbaaday duqeyntaas haatana xaaladooda ay wanaagsan tahay.