Muqdisho: Amar lagu soo rogay Wadayaasha Mootada loo yaqaan Fekon

Wararka Maanta

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa Saacaddihii ugu dambeeyay bilaabay howlgal Ballaaran oo Magaalada Muqdisho looga aruurinaayay Mootooyinka ay waddaan dhalinyaradda ee lagu Magacaabo Fekon.

Saldhigyadda degmooyinka ayaa lagu soo aruuriyay boqolaal ka mid ah Mootada labadda Lugood leh.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay in lasoo aruuriyo mootooyinka.

Waxaa uu sheegay Gudoomiye Tuulax in Mootooyinka looga shakisan yahay in ay qeyb ka yihiin amnidaradda ka jirta Magaalada Muqdisho, islamarkaana waxaa uu amray in dhammaan la diwaangaliyo si loo suggo Ammaanka.