Haweeney Xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa xalay waxaa lagu dilay Haweeney magaceeda lagu sheegay Xaliimo Cilmi Yuusuf, sida ay sheegeen dadka Degaanka.

Dilka Haweeneydan oo si gaar ah uga dhacay xaafada Sey Piano ayaa waxaa ka dambeeyay Rag ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaasi oo Marxuumada ka toogtay qeybta sare ee jirkeeda.

Raggii hubeysnaa ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana daqiiqado kadib goobta soo gaaray Ciidanka ammaanka, kuwaasi oo baaritaano sameeyay.

Dadka ay isku dhaw yihiin Haweeneyda la dilay ayaa waxaa ayaa warbaahinta u sheegeen in Marxuumada ay ka mid aheyd Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Cadaado, waana qofkii 22-aad ee laga dilo ergadii Cadaado wax ku dooratay.

Ururka Al Shabaab ayaa goor hore ku hanjabay inay dilayaan cid kasta oo ka qayb qaadatay Doorashada Xubnaha Golaha Shacabka iyo Xubnaha Aqalka Sare ee dalka.