Shabaab oo gobolka Sh.Hoose ku xiray tiro dhalinyaro ah

Wararka Maanta

Sida warka ay ku heleyso Ceelhuur online Shabaab ayaa xiray 15  ruux oo d8halinyaro u badan oo ay ku eedeyeen in ay xiriiro dhaw la leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhalinyaradaan ayey shabaab kasoo xireen deegaanka Mubaarak iyo deegano ku dhaw dhaw oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Waalidiinta dhalay dhalinyarada Shabaab ay soo xirteyn ayaa qaba walaac xoogan, waxa ayna ka baqdin qabaan waxa u dambeyn doona dhalaankooda.

Shabaab ayaa iyagu xukuno adag oo dil uu ku jiro ku fuliya dadka ay kaga shakiyaan in ay xiriiro dhaw la leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya.