Siyaasi Dhaliil Saciid Deni oo lagu xiray Boosaaso

Wararka Maanta

Ciidamada Amniga maamulka Puntland syaa magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari  ku xiray Xabsiga  Siyaasi Muuse Cali Jaamac. Siyaasigan iyo waxgarad kale ayaa dhaliilo u jeediyey Madaxweynaha Puntland  Siciid  Deni iyo xukuumadiisa.

Muuse Cali Jaamac ayaa 13 October 2019 sidaan oo kale  Boosaaso loogu xiray, hayeeshee saddex Cisho kadib lagu sii daayey cafis-maxkamadeed.

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Gobolka Bari ee Xabsiga la dhigay ayaa waxaa ay xukuumadda Madaxweyne Deni ku eedeeyeen in shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso, wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE iyo Maxjarka Xoolaha.