Waxaa xilligan magaalada Muqdisho ka socda Munaasabadda daah furka Madasha Xisbiyada Qaran, kaddib markii dhowaan Madasha ku dhawaaqday inay yeelatay Hoggaan ay ku mideysan yihiin.
Munaasabadda ayaa ka socota Hoolka Sahal, waxaana ka qeyb galaya munaasabadda Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Madaxdii hore ee dalka, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.
Waa bandhig kale oo Isbaheysiga Mucaaradka ku muujinayaan cududooda siyaasadeed, iyo madasha ay ku mideysan yihiin, waxaa mar kale la filayaa inay diraan farriin siyaasadeed oo culus.
Muddooyinkii u dambeeyay kulamo ay hormuud ka yihiin Madaxdii hore ee dalka, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin waxay magaalada Muqdisho ka wadeen olole siyaasadeed xoog leh.