Home > Wararka Maanta > Howlgal dad la tuhunsanyahay lagu qab qabtay oo ka dhacay Afgooye

Howlgal dad la tuhunsanyahay lagu qab qabtay oo ka dhacay Afgooye

Wararka Maanta

 

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in dad u badan dhalinyaro lagu soo qabtay howlgalka, isla markaana lakala saaray, lana haayo qaar ka mid ah oo weli baaritaano ku socdo.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegaya in sidoo kale baaritaano ku socdaan askartii ku sugneyd guriga Guddoomiye kuxigeenka ee bam gacmeedka lagu weeraray.

Weerarkii shalay lagu dilay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaalad amni geliyay degmada Afgooye, iyadoo xalay bandow iskeed ah ay u gashay degmada.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu dilay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Carabey.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!