Toogasho:Midka mid ergadii Dooratay Barlamaanka soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Wararka Maanta

 

Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Saaka degmada Waabari loogu geystay mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay Magaalada Jowhar ee Hirshabeelle.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Aadan, waxaana da’diiso ay aheyd 70 sano jir sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Degmada Waabari.

Gudoomiyaha ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Waabari Cabdulwahaab Maxamed Maxamuud ayaa Saxaafadda u sheegay in dilka ay geysteen dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab ka dibna ay baxsadeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay waddaan howlgallo kala duwan oo lagu baadi goobaayo kooxihii dilka ka dambeeyay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanaayay Ergooyinkii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka.

Sacadihii ugu danbeeyay waxaa Muqdisho ka dhacay ilaa sedex dil oo qorshaysan sedexda ruux ee la dilay waxa kamid ahaa Askari Dowladda ah iyo nin ganacsade ah mana jiraan dad loo soo qab qabtay dilalkaas inta la og yahay ayadoo Ciidamada xasilinta Muqdisho ay howlgalo kawadan magaalada.