Warar si hoose op ka imaaanaya Kismaayo ayaa waxay sheegeysa in maamulka Jubbaland uu habeenkii xalay ahaa isku dhiibay nin ay Al-shabaab usoo dirsadeen inuu is qarxiyo.
Ninkaan ayaa la sheegayaa in da ahaan uu jiro 26 sano, waxaana loo soo diray inuu isku qarxiyo maqaayad ku taalla magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Xogta ayaa sheegeysa in ninkaan markii uu yimid maqaayaddii ay u cuntami weysay in shacab Soomaaliyeed oo aan waxbo galabsan isku qarxiyo.
Waxa uu doorbiday sidii uu arrintaan u joojin lahaa iskuna dhiibi lahaa maadaama markii horeba lagu soo qanciyey inuu is qarxiyo.
Wuxuu u tagay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Jubbaland kaasi oo qeyb kamid ah maqaayadda joogay, wuxuuna u sheegay ninkaan in loo soo diray inuu is qarxiyo, balse uusan dooneyn taas, uuna rabo in dadkii badbaadiyo.
Sarkaalkii ayaa rumeysan waaye, balse waxaa la tusay jaakaddii is qarxinta, durba shacabkii ayaa meesha laga saaray, waxaana halkaasi la geeyay ciidanka AMISOM, waxaana ninka laga qaaday si nabad ah jaakaddii, isagana ciidamada Jubbaland ayaa watey.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo arrintaan loo sheegay ayaa sheegay in ninkaasi abaalmarin siin doono, saxaafaddana lala kulansiin doono