Akhriso: Qorshaha cusub oo dib u habeynta ciidamada Soomaaliya

Wararka Maanta

Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayey isku afgarteen in la sameeyo habraaca dib u habeynta ciidamada Qalabka sida.

War-murtiyeed laga soo saaray shirkaas oo dhacay 15-16 April ayaa lagu qeexan tirada ciidamada uu yeelanaayo dalkeena Soomaaliya, waxaana la isku afgartay in la dhiso:

1. Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Ciidamadan waxay noqon doonaan 18,000 oo Askari oo ka koobnaan doona Ciidamada Lugta, Kuwa Cirka iyo Badda.

Ciidamadan waxay kala joogayaan Xeryihii hore ee Ciidanka Qaranka (12-aad, 21-aad, 43-aad, 49-aad, 48-aad, 54-aad, 26-aad iyo 60-aad).

Waajibaadka Ciidamadan ayaa noqon doona ilaalinta Xuduudaha iyo Sharafta Madax-banaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxay kaloo u xilsaaran yihiin ka hor-taga Khatarta Dibadda iyo Gudaha iyo Xasilinta Dalka.

2. Ciidamada Gaarka ah (Special Forces).

Ciidamadan waxay noqon doonaan 4,000 oo Askari waa ciidanka (Danab), sida Qorshuhu yahay waxaa Xero kasta oo Ciidanka Qaranka Saldhig u ah joogi doona 500 oo Askari oo Ciidamadan Gaarka ah .

3. Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed (Police).

Ciidamadan waxay noqon doonaan 32,000 oo Askari oo iskugu jira Heer Federaal iyo mid Maamul Goboleed ayagoo ka hawl-gali doona Dhamaan Maamul Goboleedyada Dalka.

Dhameystirka Qorshahan iyo Diyaarintiisa waxay qaadan doontaa in lagu Dhameystiro 6 Bilood gudahood , oo ka Bilaamaya 1-da June 2017.

Habraacaan ayaa waxaa ka muuqda in sanadkaan 2017 ay dowladu diyaarinayso ciidamada, waxaana gabi ahaanba meesha ka muuqan ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka sida laga yeelayo.

IMG_20170419_023338 IMG_20170419_023343 IMG_20170419_023332 IMG_20170419_023348