Sawirro: Xaflad loo sameeyey Arday ka qalinjabisay Jaamacadda Modern

Arimaha Bulshada Wararka Maanta WAXBARASHADA

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimey oo ay ku qalin jebinayeen  arday Dhameysatey Wxbarashada Jaamacadda Modern University   ayaa ka  dhacday Hotelka SYL ee Magaaladda Muqdisho, waxaa ka qayb galay Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya, Jaamacadaha, Ururada bulshada, Warbaahinta iyo Maamulka Jaamacadda Modern.

Ardaydn oo ah Dufcaddii Koowaad ee ka qalin-jebisay Modern ayaa dhammeysatay derajada Koowaad ee Bachelor, iyagoo dhiganayey Kulliyadaha Cilmiga Caafimaadka, (Health Science) Information Tchnology,  Maamulka Hay’adaha dowladda, Cilmiga bulshada iyo Sharciga iyo Qaanuunka.

Xafladda qali-jebinta waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xildhibaanno, madaxda Jaamacadaha iyo guud ahaan Qaybaha bulshada.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ahaa Xildhinaabada ka hadlay munaasabadda ayaa yiri: “Manhajka, Buugta iyo Tacliinta aan bareyno Ardayda ee waxbarashada aan u adeegsano dad ayaa dejiyey, Jaamacadaheenu waa in ay gaaraan heer ay waxbarashadu ka timaaddo, aad ayaan ugu faraxsanahay in aad heerkan soo gaartaan”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isagana ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay munaasabadda Qalin-jebinta ee Jaamacada Modern ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kaalinta ay ka qaadatay Jaamacadda Modern soo saaridda dhallinyaro aqoon iyo tacliin leh kuwaasi oo ka qayb qaadan kara hagaajinta dalka iyo hoggaankaba.

Waziir ku xigeenka Tacliinta Sare  oo ka hadley Munaasabadda qalin jabinta ayaa  ku booriyay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda dadaalka ay ugu jiraan soo saaridda dhalinta wax baratay, wuxuuna ku amaanay inay Jaamacadda oo 4-sano jirsatay Dufcadii Kowaad ku soo saarto ku dhawaad 200 oo heysata takhasusyo kala duwan, oo dhamaantood aad loogu baahan yahay.

Ardayda ka qayb gashay xafladda qali-jebinta, Barayaasha jaamacadda Modern iyo maamulkeeda ayaa u muujiyey ka soo qayb galayaashii munaasabadda sida ay uga go’an tahay hagaajinta tayada iyo qiimaha tacliinta dalka.

Jaamacadda Modern waxa la aasaasay Sannadkii 2012, taasi oo maanta ku soo began tahay soo saaridda Dufcaddii Koowaad ee ardayda. Waxa ay hadda ka mid tahay Modern University Jaamacadaha ugu horreeya magaalada Muqdisho.

modern modern1 modern2 modern3 modern4 modern5 modern6 modern8 modern9

Comments are closed.