Maxaa hortaagaan Fulinta heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa wali laga dhursugayaa dhaqangelinta heshiiskii ay Galmudug iyo Ahlu sunna 3 December 2017 ay ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti, heshiiskaan oo mar kale si rasmi ah loogu saxiixay Madaxtooyada Soomaaliya 6 December 2017. ugu dambeyn 18 Janaayo 2018 ayaa Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug waxaa laga taagay calanka Galmudug taas oo ka dhigneyd bilowga fulinta heshiiska. inkastoo wajigii ugu muhiimsanaa ee mideynta labada dhinac ayaa wali la fulin.

Dib u dhaca fulinta ayaa loo arkaa in ay hortaagan tahay dhaqaalo la’aan, kadib markii ay daahday dhaqaalihii lagu fulin lahaa heshiiskan oo laga sugayey IGAD iyo Beesha caalamka . labada dhinac ayaa la filayey in xilli hore magacaabaan guddi farsamo oo fududeeya howsha, Madaxweynaha Galmudug ayaa ku suggan Muqdisho isagoo la filayey inuu xilli hore tago Caasimadda Dhuusamareeb si loo dadajiyo dhaqan gelinta heshiiska.

Dadka faaqida siyaasadda ayaa u arka in dib u dhac badan keeni karo kala shaki labada dhinac ah, ayna haboonta in la guda galo fulinta heshiiska inta aysan dhammaan xiisaha labada dhinac.

Dhanka kale Fulinta heshiiskan ayaa ku horgudban shaqooyin muhiim ah oo laga sugaayo Madaxda Galmudug oo ay ugu horeyso diyaarinta caasimadda dhuusamareeb, iyo si dhab ah iskula falgalaan labada maamul.