Dhismaha Dugsiga Hoose/Dhexe Cadakibir oo la xarig jaray (Sawirro)

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Dhismaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee deegaanka Cadakibir ayaa maanta xarigga laga jaray, Dugsigan oo ka kooban 5 fasal , xafiisyo iyo darbi wareeg ah.

Dugsigan ayaa waxaa dhisay jaaliyadaha dibadda iyo ganacsato ee ka soo jeeda deegaankan, waxaana ku baxay qarash gaaraya 35,000 dollarka Maraykanka.

Madaxweynihii hore Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiicey ayaa xarigga ka jaray Dugsigan, waxaana sidoo kale munaasabadda goobjoog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano iyo Gudoomiyaha Degmada Cadaado.

Farxaan Maxamed Dhoore oo wakiil ka ahaa jaaliyadda dhistay Dugsigan ayaa sheegay in ay dugsigan ka faa’iideysan doonaan Arday badan oo Cadakibir ku nool, kuwaas oo aan horey u heysan Goob ku haboon oo ay wax ku bartaan.

Â