Sawirro: Wiil 8 Jiro Soomaali ah oo lagu dilay dalka Sweden

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Wiil 8 sano jir Soomaali ah ayaa ku dhintay weerar ka dhacay Magaalada Gothenburg ee Caasimada labaad ee dalka Sweden.

Weerarkaasi ayaa waxaa uu dhacay kadib markii Hoy ay degenaayeen qoys Soomaali ah lagu tuuray Bam gacmeed xilli ay jiifeen.

Wiilkan geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Warsame,waxayna isaga iyo hooyadii booqasho ku joogeen magaalada Gothenburg, iyagoo ka yimid dalka Ingiriiska

Booliiska Sweden ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan, inkastoo aanay jirin cid loo soo qabtay falkaas.

Falkan argagaxa leh ayaa waxaa lala beegsaday guri ay daganaayeen qoys Soomaali oo horay wiilkooda loogu xiray.

Guriga la weeraray ayaa waxaa degenaa qoys Soomaali ah oo horay wiilkooda loo xiray, kaasoo loo heysto dil, waxaana loo maleynayaa in weerarkan uu salka ku haayo xariga wiilkaas.

yusuf yusuf-warsame yusuf-warsame1 yusuf-warsame2

Comments are closed.