Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxman Xuseen Odawaa oo maalmahan Cadaado ku sugnaa ayaa shalay salaada jimcaha wax uga tukaday masjidul Jaamac oo kamida masaaajida ugu weyn magaalada Cadaado.
Salaada jimco kadib ayaa wasiirka waxa lagu arkayay isagoo la shaah cabaya qaarkamida bulshada ku dhaqan magaalada Cadaado islamarkaana kala sheegaysana xaalada magaalada iyo sida ay u arkaan hormarka ka socda deegaanka.
Wasiir Odawaa ayaa sheegay in Cadaado ay kamid tahay meelaha ugu amaanka badan Soomaliya sidaasi awgeedna uu jecleysay inuu la jimceyso bulshada reer Cadaado.
Magaalada Cadaado ayaa caadi waxaa ka ah inay waardiye la,aan socdaal wasiirada iyo xildhibaanada Galmudug hase yeeshee Wasiir Odawaa ayaa dhankiisa tilmaamay in jawiga Cadaado uu yahay mid siweyn usoo jiitay.
Comments are closed.