Dowlada oo ka hadashay Hubkii lagala baxay Xerada Gen. Gordon

Wararka Maanta

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa waxa uu beeniyay wararka sheegaya Hub lagala baxay xerada gen, Gordan in lagu dhex iibinayo Suuqyada Magaalada Muqdisho.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa shalay soo bandhigtay sawirada Hub ay sheegtay in laga soo qafaashay xerada Gen. Gordan oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo tir ahaan gaaraya 600 oo Qori, laguna iibinayo Suuqdayada Muqdisho.

“Laamaha warbaahinta iyo dadka isticmaala Website-yada gaarka loo leeyahay waxay baahinayaan warar aan sal iyo raad midna laheyn, wararka ku saabsan in Hub lagala baxay xerada Gen. Gordan waxan leeyahay wax ka jira ma jiraan, waxaana wad wada dad ka soo horjeeda jiritaanka Dowladda.” Ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.

Mar uu soo hadal qaaday in Muqdisho uu ka furan yahay Suuq Hubka lagu kala iibsado ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan Suuqyo Hubka lagu iibiyo balse aanan heysan ogolaanshaha Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa yiri “dalalka Afganistan, Ciraaq Mareykanka ayaa lagu kala gataa Hubka, marka maxaa diidaya Muqdisho oo colaado ay ka jiraan in lagu iibin waayo, waxaan rajeynaynaa in arrintan aan wax ka qabano.

Maalmo kahor ayaa waxaa xerada Gen. Gordan ka dhacay iska hor imaad u dhaxceeyay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Imaaraadka uu Tababaray, intaasi kadib waxaa soo baxayay warar la xiriiray in la qaatay qaar ka mid ah Hubkii yaallay xarunta.