Ciidamada Amisom oo nin rayid ah dilay

Wararka Maanta

Ciidamada AMISOM ayaa waxa ay Qof rayid ah ku dileen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka Degaanka ayaa waxa ay sheegeen Ciidanka AMISOM ninkan ay sida bareer ah rasaas ugu fureen in uu ahaa Oday Da’ah, oo ilaa iyo hada aan la ogeyn sababta ay u dileen, bale weli baaritaano ayaa socda.

Ninkan ay dileen Ciidanka AMISOM oo magaciisa lagu sheegay Macalin Cali ayaa waxa uu ahaa mid si weyn looga garanayo Degmada Qoryyoley, sidoo kalena meydkiisa uu goobta lagu dilay uu yaallay mudo saacado ah.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo la socday dad kale oo socota ahaa islamarkaana hor marayay xero Ciidamada AMISOM ay ka degan yihiin Duleedka Degmada Qoryooleey ay Rasaas ku fureen taas oo uu ku geeriyooday Ninkan Da’da ahaa.