Golaha Ammaanka: " Waan ka xunahay dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya"

Wararka Maanta

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa warbixin ka soo saaray doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya dhamaadka bisha October, iyadoo Goluhu walaac ka muujiyay dib u dhacii ku yimid doorashada.

UN-security-council-CC-United-Nations-Photo-2009-620x330

Warbixin uu soo saaray Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ahna Safiirka joogtada ah ee Malaysia Ramlan Ibrahim ayaa soo dhoweeyay jadwalka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya, kaasoo ay dhowaan soo saareen Madasha Wada-tashiga Qaran.

Danjire Ramlan Ibrahim ayaa sheegay inay ka xun yihiin doorashada ay dib u dhac ku timid illaa labo bilood, taasoo dhici doonta 30-ka October.

Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in go’aanka Madasha Wada-tashiga qaran mudnaan la siiyo, isla markaana la xaqiijiyo waqtiga ay doorashada dhaceyso oo aanay mar kale dib u dhac ku imaan

Danjiraha Britain u fadhiya Golaha Ammaanka ayaa soo dhoweeyay horumarada siyaasadeed iyo nabadgelyada la sameeyay, waxaana uu adkeeyay in la sii wado yididiilada ku aadan dowlad dimoqraadi ah, isla markaana loo sii wado lahaa doorashooyin aan mugdi ku jirin, macquulna ah.

“Golaha Ammaanka waxay ka niyad jabeen in doorashooyinka ay dib u dhacaan, waxaa rajeyneynaa in aanay dib u dhacyo kale imaan, laga dhabeeyo go’aanka la gaaray ee jadwalka cusub ee doorashooyinka”ayuu yiri Danjiraha Britain.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa horay u diiday waqti kordhin loo sameeyo dowladda, isla markaana ay dib u dhacdo waqtigii doorashada.

Comments are closed.