Sawirro: RW Kheyre oo la kulmay Wasiirka Arimaha dibada China

Wararka Maanta

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya  Xassan Cali Kheyre oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Newyork ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka China.

Labada dhinac ayaa  ka wada hadalay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal isla markaana loo badin lahaa mashaariicda Dalka China ka fulinayso Soomaaliya si dalka dhaqaalihiisa iyo shaqo abuurka saro loogu qaadi lahaa.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii arimo la xariira maalgashi china ku samayso Soomaaliya maadama china ay ka mid tahay dalalka dhaqaalohoodu aad u sareeyo.

Mr. Kheyre ayaa shirar doceedyo la qaatay madax badan adduunka ka socota, waxaana la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobay.