Muxuu salka ku hayaa khilaafka Madaxda Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Saacidihii la soo dhaafay waxaa soo shaacbaxay khilaaf u dhaxeeya hogaanka sare ee dowlad goboleedka Galmudug, khilaafkaas oo ku qotoma taageerada xulufuda sucuudiga iyo Qadar. Madaxwenaha Galmudug Axmed Ducaale oo imaaraatka safar qarsoodi ah ku tagay ayaa warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiskiisa ku sheegay inuu taageersan yahay xulufada sucuudiga iyo imaaraatka carabta, waxaana muuqatay in madaxda kale ay ka gaabsadeen arintaas, iyagoo xiriir aan xalay la sameynay qaarkood ay ku sheegeen in ay sax tahay warqadda kasoo baxday madaxtooyada Cadaado oo saxaafadda loo qeybiyey. Mr. Xaaf ayaa la sheegay inuu hormaris ahaan Imaaraatku u siiyeen  lacag u dhaxeysa 2 Milyan ilaa 5 Milyan dollar.

kadib soo bixidii warqadda uu Madaxweynuhu ku taageeray isbaheysiga sucuudiga ayaa waxaa Madaxda sare dowladda federaalka ah waxay bilaabeen inay cadaadis ku saaraan Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Barlamaanka in ay arintaan ka hor yimaadaan, iyadoo u fasaxay lacag gaaraysa 150,000 dollar oo dowladdu federaalku bil kasta ku kabi jirtay miisaaniyadda Galmudug. waxaana masuuliyiintaan intaas ka dib shir jar’aaid u qabteen saxaafadda iyagoo sheegay in ay kasoo horjeedaan go’aanka Madaxweynaha ee uu ku taageeray isbaheysiga ka dhanka ah Qadar. ayna taageersan yihiin go’aanka dowladda federaalka ah.

Arinta xusidda mudan ayaa ah in labada warsaxaafadeed kasoo wada baxeen Madaxtooyada Cadaado, taas oo muujinaysa in loolan dhabta ah uu ka dhex aloosan yahay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka. waxaana wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in xildhibaanada Galmudug oo baryahaan dareemayey dhaqaale xumo ay tani u tahay fursad mooshin ay ku keenaan. waxaana saacadihii u dambeeyey socday abaabul mooshin, waxaana la filayaa in dhawaan Cadaado gaaraan xildhibaano badan, si ay digsiga dhinacooda uga kariyaan.

Madaxweyne Axmed Ducaale ayaa Barlamaanka Galmudug ku leh in ka badan 50 xildhibaan oo isaga taageersan, taas oo ay suurtagal tahay inay mooshin ka keenaan Madaxweyne ku xigeenka ama gudoomiyaha Barlamaanka. Galmudug oo awal la tiiceysay duruufo siyaasadeed ayaa hadda lugaha la gashay khilaaf cusub, waxaana ka sii daran in khilaafkaan ay qeyb ka yihiin Madaxda dowladda Federaalka ah. oo u arka Mr. Xaaf uu ku falaagoobay. Gabagadii khilaafka madaxda Sare Galmudug ayaa salka ku haya dhaqaale.