Madaxweyne Xaaf oo gordhow ka dagay Muqdisho

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goordhow ka dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde magaalada Muqdisho, Madaxweynaha ayaa saaka ka ambabaxay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug oo uu maalmahana ku sugnaa.

Ma cadda u jeedada safarka Madaxweynaha, inkastoo wararka qaar sheegayaan in arimo u gaar ah u aaday Muqdisho, Ma jirin Masuuliyiin sare oo ka tirsan Galmudug oo Madaxweynaha ku wehliyey safarkiisa.

Madaxweynaha ayaa laga sugayey inuu ku dhawaaqo Gole wasiiro cusub, lamana oga sababta dib u dhaca arintaas, Waxaana sidoo kale Muqdisho horey u aaday Macalin Maxamuud Sheekh Xasan hogaamiyaha Ahlu Sunna. Macalinka ayaa shirar aan natiijadooda la shaacin la qaatay Madaxda Dowladda Federaalka.

Dhanka kale Magaalada Cadaado ayaa waxaa maalintii labaad ka socda fadhiyada Barlamaanka Galmudug, waxaana shir gudoominaya gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Khilaafka xargaha goostay ee Madaxda Galmudug ayaan wali xal loo helin, waxaana muuqata in dowladda federaalka ay ka gaabinayso in ay isku soojiido labada dhinac. Shacabka Galmudug ayaa ka daalay khilaafka Madaxda Galmudug, oo dib u dhac weyn u keenay horumarkii laga filayey.