Sawirro: RW Kheyre oo booqday Dhaawacyadii Qaraxii Tiyaatarka

Wararka Maanta

Xasan Cali Kheyre Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa xalay booqday isbitaalada Madiina iyo Digfeer Magaalada Muqdisho, halkaas oo la geeyey dhaawacyadii qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab ka dhacay bar kontorool oo ku taalka Tiyaatarka Qaranka.

Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehlinayey Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo NISA, waxana uu tagay qeybaha kala duwan ee lagu daweynaayay dhaawacyadda.

Mudane Kheyre ayaa midmid u xog wareystay dadka dhaawayadu soo gaareen, si uu u qiimeeyo xaaladahooda iyo nabarada gaaray inta ay gaarsiisanyihiin.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban doono dhaawacyadda Culus, waxaana Saraakiisha Caafimaadka uu ka codsaday in ay si deg deg ah usoo Gudbiyaan.

vlcsnap-2017-03-21-22h56m36s155 vlcsnap-2017-03-21-22h57m17s52 vlcsnap-2017-03-21-22h57m58s206 vlcsnap-2017-03-21-22h58m52s241