Daawo: Wasiirka Arimaha Gudaha DFS oo ka hadlay Khilaafka Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayuu kaga hadlay khilaafka Madaxda Sare ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka ayaa tilmaamay in iyagoo ku guda jira wadahadalo lagu xalinayo khilaafka labada dhinac ay ka war heleen in Madaxdii Galmudug kala aadeen Dusmareeb iyo Cadaado. arintaas oo uu ku tilmaamay in aysan u wanaagsaneyn musuuliyadda ummaddu u dhiibatay.

Dhanka kale Wasiir Sabriye ayaa labada dhinac ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan miiska Wada hadalka, isagoo sheegay in ay Muqdisho iska soo xaadiriyaan ugu dambeyn 30ka Bisha.

halkaan ka daawo shirka jaraa’id wasiirka