Ciidamada Xoogga oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegaanka Shaam

Wararka Maanta

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgal Qorsheysan waxa ay ku qaadeen deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle.

Weerarkan qorsheysan ayaa lagu qaaday Alshabaab sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa.

“Waxaan Howlgal Qorsheysan ku qaadnay deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle waxaana jab xoogan ugu geysannay Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo iyagu u bareera had iyo jeer daadinta dhiigga iyo dhacca xoolaha shacabka soomaaliyeed, annagoo la wareegnay gacan kuheynta deegaankaas.”

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska ayaa dhawaan Alshabaab kala wareegay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.