Nin Ganacsade ah oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Wararka Maanta

Dabley hubaysan ayaa nin dukaanle ahaa waxa ay ku dileen duleedka Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ku dhex toogteen goobtiisa ganacsiga.

Wararka ayaa sheegaya ninka la dilay in lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Kaahiye (Shangaani), dilkiisan ay ka dambeeyeen rag hubaysan oo bistoolado watay.

Ragga dilka u gaystay ninkaan ayaa ugu tagay goobtiisa ganacsiga, kadibna allaab ayeey ka iibsadeen, iyadoo intaasi kadib ay ku dhufteen rasaas dhawr xabadood ah, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

“Allaha ui naxariistoo Maxamed Xuseen Kaahiye oo ku magacdheeraa (Shangaani) rag hubaysan ayaa dileen, waxayna ku dileen goobtiisa ganacsiga labada nin ee dishay waxa ay u soo istaageen goobtiisa ganacsiga, kadibna waxa ay ku dhufteen dhawr xabadood.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaan loo gaystay ninkaan ganacsadaha ah, hayeeshe warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninkaan uu ka tirsanaa ergadii Doorashada Xildhibaanada.