Golaha wasiirada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa maanta kulan ku yeeshay Madaxtooyada Galmudug magaalada Cadaado, waxaana Ajandaha kulanka uu ahaa ansixinta miisaaniyadda 6-da bilood dambe 2017.
Kulanka waxaa shir gudoominayey madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, waxaana dood dheer kadib Goluhu si aqlabiyad leh ku ansixiyey miisaniyadda oo gaaraysa 7.2 Milyan dollarka Maraykanka.
Miisaniyadan ayaa Dhawaan la horgeyn doonaa golaha wakiilada Galmudug, dakhliga canshuur ururinta Galmudug ayaa aad u hooseysa, maadaama aysan si fiican u shaqeynin kaabayaasha dhaqaalaha iyo canshuuraha beriga.