Mukhtaar Roobow oo isdhiibay

Wararka Maanta

Warar goor dhow ay heshay Ceelhuur Online ayaa waxay tibaaxayaan in  Mukhtaar Roobow  uu isku dhiibay maamulka K/galbeed. Wadahadal saacado badan qaatay oo u dhaxeeyey Mukhtaar Roobow iyo mas’uuliyiinta Koofur Galbeed oo ka dhacay deegaanka Abal goolka Bakool ayey labada dhinac isku afgarteen in uu isa soo  dhiibo Roobow oo aan ciidan wadan.

Saraakiil ka tirsan Koofur Galbeed ayaa sheegay Abuu Mansuur loo soo qaadi doono degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowaan waxay liiska dadka la doon doonayo ka saartay Mukhtaar Roobow, waxaana wixii intaasi ka dambeeyey uu Roobow culeys kala kulmay dagaalyahannada Al-shabaab.

Dagaal qaatay Labo cisho ayaa Al-shabaab iyo ciidanka daacadda u ah Mukhtaar Roobow ku dhexmaray deegaanka Abal, waxaana wadaadka u gurmaday ciidanka dowladda iyo kuwa K/galbeed