Marwada 1-aad ee dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

Wararka Maanta

Marwada 1-aad ee Dalka Saynab Cabdi Macallim ayaa maanta hambalyo ku aadan Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa ugu hambalyeysay Haweenka Soomaaliyeed xuska Maalinta 8-da Maaarso, waxayna dhambaalkeeda ku tiri: “Gabdhaha Soomaaliyeed waxaan idin leeyahay Hambalyo Hambalyo meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leeyahay sanadkan sanadkiisa xiga ku gaara barwaaqo iyo bash-bash”.

Marwo Saynab Macallim waxay kaloo ka hadashay waxqabadka Haweenka Soomaaliyeed, iydoo ku tilmaantay inay yihiin lafdhabarta nolosha, islmarkaana waxay ugu baaqday inay u midoobaan danta guud ee Dalka, gacmahana is qabsadaan.

Dhanka kale,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),ayaa bogaadiyay kaalinta Haweenka ay ku leeyihiin Horumarka Bulshada,xilli maanta ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee Haweenka,isagoona balan qaaday iney ka shaqeynayaan sidii Haweenka Soomaaliyeed u heli lahaayeen Xuquuqdooda.