Khadar Biciid oo loo doortay Gudoomiyaha Dalada aan dowliga aheyn Soomaaliya (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta
Shirka wadatashiga daladaha bulshada rayidka dowlad goboleeyada ayaa waxaa lagu qabtay magaalada kismaayo xarunta kumeelgaarka dowlad goboleedka Jubbaland.  waxaana gogosha fidiey  JUNSA ( jubbland non state actors). Shirka oo socday 2-4 december ayaa laga soo saaray  Qodobo muhiim ah kasoo bexeen laguna doortay hogaan mideeya Daladaha aan dowliga aheyn heer federal. 
Madashan ayaa Waxaa soo xadiray daladaha bulshada rayidka ah  ee dowlad goboleedyada Galmudug, jubbaland, koofur-galbeed  iyo Hirshabelle.  Ugu dambeyn shirka ayaa looga dhaqawaqay hogaan kumeelgaar ah dalada Mideysa Daladaha Dowlad goboleedyada ( Somali Federal Non State Actors). Khadar Maxamed Faarax (Biciid) Gudoomiyaha dalada Bulshada Rayidka Galmudug ayaa loo doortay gudoomiyaha guud ee daladaha, halka Cabdulqaadir Sheekh Cali Baraka Gudoomiyaha dalada Bulshada Rayidka Koofur-Galbeed loo doortay Gudoomiye ku xigeen, sidoo kale Xog-haya guud ayaa loo doortay Maxamed-Naasir Axmed Cabdi Gudoomiyaha dalada Bulshada Rayidka Jubbaland. iyadoo u qareeme loogu doortay Cabdullaahi Cabdi Bariise Gudoomiyaha dalada Bulshada Rayidka Hirshabeelle.
halkaan hoose ka aqriso warmurtiyeedka shirka