Sawirro: Dhismaha Dekadda Hobyo oo laga Shiray

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay masuuliyiinka ka socday dowladda Shiinaha.

Kullanka ayaa diiradda lagu saaray dhismaha dekadda Hobyo, oo ah isha ugu muhiimsan Galmudug dhaqaale iyo horumar ka sameyn karto. Madaxweynihii hore Galmudug C/kariin Guuleed ayaa u diiday Shirkadda Shiinays ah dhismaha dekadda Hobyo, isagoo taas badalkeeda ku wareejiyey shirkad Ciraaqi oo ku guuldareysatay inay mashruuca fuliso.

Madaxweyne Xaaf ayaa xoogga saaraya sidii maalgalin loogu heli lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug, dhanka kale Mr. Xaaf ayaa la filaya inuu saacadaha soo socda ka dago magaalada Galkacyo.

FB_IMG_1501967181181 FB_IMG_1501967175834 FB_IMG_1501967169249 FB_IMG_1501962788308 FB_IMG_1501962780027 FB_IMG_1501962775972