Barlamaanka oo maanta Cod u qaaday Miisaaniyadda

Wararka Maanta

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta kulakooda waxa ay Warbixin ka dhageysan doonaan Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in Warbixinta laga dhageysanayo Guddiga Maaliyadda u qaabilsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay la Xariirto dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda ee 2017.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa horyaala Miisaaniyadda Dowladda ee 2017 ay ku shaqeyneyso,taas oo uu horgeeyay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle,balse aan weli la ansixin ama aan la meelmarin.