Akhriso: Maxkamadda Sare Galmudug oo ansixisay xil ka qaadista Dhamman Madaxda Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida lagu sheegay warqadan Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug ayaa go’aan ay soo saartay ku sheegtay in sifo sharci ah ay Barlamaanka Galmudug xilka uga qaadeen Madaxweynaha Galmudug Xaaf, Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal Casir.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka kowaad Xareed Cali Xareed oo isna xilkiisa ku waayay arimo Dasruuri ah oo ah 45 ka badan uu ka maqnaa Degaanka taas oo ka hor imaanee Dastuurka Maamulkaas.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Xilka Madaxweynaha Galmudug sii heynayo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka inta laga soo dooranayo Masuuuliyiin Maamulka.

Hoos ka akhriso Qoraalka Maxkamadda kasoo baxay.