Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo wasiir ku xigeenka Howlaha Guud Galmudug Axmed Ilkacase ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha xarunta Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.
Mashruuca dhismahan ayaa waxaa maalgalinaya UNDP, waxaana la filayaa in muddo kooban dhismuhu kusoo idlaado.
Dhismahaan ayaa ka kooban xafiisyo iyo hoolka shirarka barlamaanka, horey barlamaanka Galmudug ayaa ku shiri jiray hoolka xafladaha ee Madaxtooyada.
Dhismaha cusub ee Barlamaanka ayaa laga dhisayaa gudaha xarunta Madaxtooyada. Waxa uuna wax badan ka badali doona shaqada Barlamaanka.