Sawirro Hobyo: 328 Qoys danyar ah oo Raashin la siiyey

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Deeq raashin qallalan ah ayaa loo qeybiyey 328 qoys oo ku nool degmada Hobyo oo ah qaar ka mid dadka abaartu saameysay, deeqdaan ayaa waxaa bixiyey hay’ada Mercy USA, waxaana loogu talagalay inay ku afuraan qoysaskaas danyarta ah.

Deeqda ayaa isugu jirtay nuucyo kala duwan ee raashinka, waxay ku soo aaday xilli ay u baahnaayeen qoysaska danta yar ee ku nool magaalo xeebeedka Hobyo.

Hay’ada Mercy USA ayaa howlo isugu jira gargaar iyo caafimaad ka wada gobolka Mudug.  Maamulka degmada Hobyo ayaa ka mahad celiyey deeqdaan, Waxaana dadka ku dhaqan degmada Hobyo iyo deegaanada hoostaga u baahan yihiin gargaar iyo mashaariic kala duwan.
FB_IMG_1497282410410 FB_IMG_1497282413689 FB_IMG_1497282416976 FB_IMG_1497282421524 FB_IMG_1497282426275 FB_IMG_1497282439045