Xog:Wararkii ugu Danbeeyay Mooshinka ka dhanka ah Farmaajo

Wararka Maanta

Wararka ugu danbeeyay ee Mooshinka Madxwayne Farmaajo laga wado ayaa waxay Sheegayaan in xildhibaanno badan oo ka tirsan golaha shacabka ay dib uga laabtay mooshinkii laga waday madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka Masar u ambabaxay Shalay ayaa waxii ka danbeeyay markuu  helay Xogta Mooshinka waxuu Kulamo an kala go lahayn la qaadanayay Xildhibaanada ku howlan diyaarinta Mooshinka iyo Madaxda Maamulada asagoo ka Faa’iidaystay imaatankii Muqdisho ee Madaxwaynahayaasha Maamulada oo ka qayb galay Shirkii Amniga

kooxda Mooshinka waday oo markii hore tiro ahaan gaaray ku dhawaad 80 Xildhibaan ayaa waxaa wararku sheegayaan in Xildhibaanno gaaraya 30 xaqiijiyey iney ka baxeen mooshinkaan, taasi oo dhabar jab weyn ku noqonaysa xubnihii soo diyaarinayey mooshinka.

Ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in xubnaha isaga baxay mooshinkaan ay kulan hoose la qaateen madaxweyne Farmaajo, lamana oga waxa lagu qanciyey, maadaama ay markii hore mooshinka kaalin weyn ku lahaayeen.

Villa Soomaliya ayaa wadda dedaal walbo oo lagu burburinayo mooshinka lagu soo weeraray Farmaajo waxuuna Madaxwaynuhu diyaar la yahay inuu isku difaaco lacago xad dhaaf oo uu ka helayo Dowladaha Turkiga iyo Qatar.

Xildhibaanno u badan kuwa mucaaradka ayaa doonaya iney meesha ka saaraan madaxweyne Farmaajo si booskaasi ugu helaan shaqsi ay iyaga ku qanacsan yihiin.