Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Galmudug oo warbaahinta kula hadlay dhuusa mareeb ayaa sheegay in Galmudug ay door muhiim ah ka qaadan doonto Gurmadka loo Sameynayo dadka ka barakacaya fatahaada uu sameynayo Webiga Shabelle.
Sidoo kale shiikha ayaa waxaa uu Sheegay in dowlada Galmudug gacan ka geysaneyso in garoomada diyaradaha degmooyinka Galmudug loo soo mar siin karo gurmad loo fidinayo shacabkaas dhibaa teysan ku nool Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada baladweyne oo fataahadaha wabiga ay sameyn ku yeesheen.
Waxaa uu Tilmaamay Sheekh Maxamed Shaakir in Garoomadda Galmudug ay u furi doonaan Gargaarka loo waddo gobalka Hiiraan, Waxaa uu Sheegay in Galmudug ay gaarsiin doonto Gargaarkaasi shacabka saameynta ku yeeshay fataahada webiga Shabelle ee Mara Magaalada baladweyne ee Gobalka hiiran,kadib markii ay biyo badan Fariisteen Garoonkii weynaa ee Magaalada Beledweyne ee gobalka hiiraan
Magaalada baladweyne ee gobalka Hiiran aya Xiligan Waxaa ka barakacay 120,000 oo Qof kuwaas oo ku dhibaateysan Hareeraha Magaalada Beledweyne,Waxaana goobahaasi ku haysta nolol Adag,Dadkuna Waxaa ay codsanayeen In gargaar loo fidiyo.